Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka oo ka hadashay askarigii looga dilay Soomaaliya

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Mareykanka ayaa sheegtay in askarigii dowladda Mareykanka looga dilay Soomaaliya la oran jiray Kyle Milliken.
 
Kyle, ayaa ahaa 38-jir ka soo jeeda Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kala duwan.
 
Qoraalka Wasaaradda gaashaandhigga, dhinaca kale waxaa lagu sheegay in Kyle uu ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Navy SEAL.
 
“Askariga waxaa uu ahaa nin qabiir ah, waxaa uu ahaa askari aad u wanaagsan, geeridiisa waxaa ay dhalisay wal-wal”, sidaasi waxaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay gaashaandhigga.
 
Davis afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in illaa 50 askari oo Mareykan ah ay joogaan dalka Soomaaliya, kuwaas oo caawimaad siinaya AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaliya.
 
Dhinaca kale Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkii koonfurta Soomaaliya balse ay ku dhaawacmeen tarjubaan Soomaali ah iyo labo askari oo Maraykan ah.
 
Askariga waxaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Mareykanka ay ka fulinayeen koonfurta Soomaaliya, todobadkii hore.
 
Howlgalka waxaa uu ka dhacay deegaan u dhow Bariire oo qiyastii 40 miles galbeed kaga beegan magaalladda Muqdishu ee Caasimadda dalka Soomaaliya.
 
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in askari American ah lagu dilay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.
 
Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fulinayeen howlgal la-talin iyo caawimaad isugu jira oo ay kala qeyb galeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
 
“Al-Shabaab waxa ay halis ku tahay Mareykanka iyo danaha Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.
 
Madaxweyne Trump waxa uu amray in weeraro lagu qaado saldhigyada ay Alshabaab ku leeyihiin dalka Soomalaiya.