Madaxweyne Gaas”“Dad badan ayaa ka maqan xitaa beelaha dhexdooda,Majeerteenka dhexdiisa xataa kuwaa dulman”

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Uu Warqad codsi ah u diray Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Kana Codsaday in Uu Furo Fadhiga baarlamanka, si loogu soo daro Beelaha Ka maqan,
 
“Waxaan qoraal u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaan ka codsaday inuu furo Baarlamaanka , si dadka ka maqan ee reer Puntland ay xubno ugu yeeshaan, Waxaana Hadda ka maqan 50 % qabiiladda Puntland ”
 
“Dad badan ayaa ka maqan xitaa beelaha dhexdooda , Majeerteenka dhexdiisa dad waa ku jiraan kuwana kuma jiraan, Waa Cadaalad Darro, maxay ku dhacday , marka awal xal haday ahayd sidan hada xaq baan raadinaynaa, Ayuu Yiri
Madaxweynaha Puntland oo La Hadlayay Jaaliyadda London,
 
“Dadku makala fiicanyihiin waa maya? dadku hadii aysan cadaalad helin dadku haduu dareemayo mid inuusan wax kulahayn gurigaasi guri fiican maheyn, hada waxaa lahaydeen ku dayo Puntland ku dayo Puntland, waxaa ku dayanayso waa inay qurux badanyihiin, sowmahan ”
 
” Markaa qurbaha timaadeen waa dhadhamiseen takooridu waxaytahay , idinku safar baaba ku timaadeen halkan, laakiin anagu kuwii nala joogay Ilaa Xaawo iyo aadan Ayaan Dulminaa, marka taasi ah in qof walbo cadaalad helo waa wax muhim ah” ayuu yiri Isagoo Sii Hadlayay madaxweyne Gaas.
 
Maalmahan ayaa Aad Loo Hadal Hayay Isbadal iyo Kordhin lagu sameynayo Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland, Iyadoona Siyaasiyiinta iyo bulsho weynat e´reer Puntland ay si weyn usoo dhaweeyeen una arkaan wado wanaagsan oo Lagu heli Karo Cadaaladda..