Roobab mahiigan ah oo ka da’ay Puntland oo sababay dhimashada 5 ruux

Roobab xooggan ayaa ka da’ay dhulweynaha Puntland, waxaana roobabkaasi ay sababeen dhimashada illaa shan qof, sidoo kalena daadadka ka dhashay roobabku waxay hakad geliyeen isu-socodka gaadiidka.
 
Labadii maalmood ee u danbeeyay ayaa Puntland waxaa six oog leh uga da’ay roobab mahiigan ah,waxaana inta badan hada doogsaday deegaamadii abaartu sida daran u aafaysay.