80-Xildhibaan oo ku dhawaaqay Madal loogu magacdaray horusocod

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey shirar usocday xubno katirsan baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo si’ aad uga soo horjeeda xukuumadda raysal wasaare Xasan Khayre.
 
Xildhibaanada oo tiradooda lagu sheegay 88-xubnood ayaa magaalada Nairobi uga dhawaaqay madal ay ku midaysanyihiin oo la yiraahdo Horusocod , waxaana guddoomiye looga dhigay xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ah siyaasi si weyn saamayn ugu leh baarlamaanka , xiriir dhowna la leh dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo dabada ka riixaya inaanay degin siyaasadda Soomaaliya.
 
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku jiray fasax muddooyinkii ugu dambeeyey waxaana kalfadhigooda uu dib u furmayaa bisha July horaanteeda.
 
Madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha ayaa siweyn uga soo horjeeda siyaasadda dowladaha dariska ay ku doonayaan inay degin xaaladda Soomaaliya , si’ ay u fushadaaan danaha dhow iyo midka fog ay ka leeyihiin Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan inuu jiro qorshe la isaga horkeenayo xukuumadda iyo baarlamaanka.