Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay xuska 15-ka may ee maalinta SYL

Madaxweyne Jamhuuriyadda Fedreraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xuska 15-ka May awgeed maanta ubax xusuus ah dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.
 
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan munaasabadda 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, Islamarkaana ku beegan sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.
 
Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo waxaa Munaasabadda Ubax dhiga ku wehliyey xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia, , mas’uuliyiinta Gobalka Banaadir iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka
 
 
Dhanka kale waxaa Ilo xog-ogaal ah ay ku warramayaan in madaxweynaha oo saaka ku talogalay in uu khudbad u jeediyo garoonka istaadyo Koonis oo dadku iskugu imaanayeen, uu mar dambe go’aansaday in uusan halkaas tegin, sababo la xiriira xagga amniga,hoos ka daawo muuqaalka.