Qarax saakay barqadii ka dhacay magaalada muqdisho

Ciidamada Booliska ayaa warbixin ay soo saareen ku faah-faahiyay qarax barqanimadii maanta ka dhacay degmada Wadajir.
 
Jen. Maddaale, oo warfidiyeenka la hadlay, ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu rakibay oo ay ciidamadu qabteen.
 
Ciidamada ayaa qabtay gaarigaas, ka dib markii ay israaseeyeen rag hubeysan oo gaariga la socday, waxaana -sidoo kale- gacanta lagu dhigay mid ka mida laba nin oo gaariga la socday.
 
Saddex ka mid ah qeybta miino-baarka ee ciidamada Booliska ayaa ku dhintay qaraxa oo dhacay mar ay ciidamadu isku dayayeen in ay furfuraan miinooyinka gaariga ku xirnaa
 
Gaarigan ayaa la sheegay in uu weerar ku ahaa meel aan la xusin oo magaalada ka mid ah, halkaas oo uu qarxin rabay.