Video:-Hay’ada MSF oo dib ugu soo laabatay Puntland

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo Galkacyo ka daahfuray Mashruuca caafiimadka ispitaalada iyadoo la kaashanaysa hay,ada MSF.
 
Wasaarada caafimaadka Puntand ayaa oo daahfurtay mashruuca caafiimaadka ispitaalada si loo daboolo baahida caafimaad ee bulshada Galkacyo iyo dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan dagmada iyadoo kaashanaysa Hay,ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo taniyo 2013 hada dib ugusoo laabatay somaliya gaaar ahaan maagaaalada Gaaalkacyo ee puntland.
 
Fulinta Mashruucan Caafimaad oo ay iska kaashanayaan wasaarada Caafimaadka Puntland iyo Hay,ada MSF ayaa ka bilaaban doona qayb kamida ispitaalka Guud ee Galkacyo gaar ahaan qaybta quudin caruurta qaybta bukaan socodka carurta iyo qaybta gurmadka dag daga ah.
 
Maxamed Xuseen Aadan agaasimaha isbitalkaa Gaalkacyo ayaa ka hadlay muhiimada uu barnaamijkaan uu uleeyahay baahiyaha caafimad Ee dagmada.
kuxigenka Madaxa Mashaariicda soomaaliya ee Hay’ada MSF Cabdikariin Daahir Guure ayaa sheegay inay ka howgalaan qayb kamida ispitaalka isagoo codsaday in xaga amniga lagala shaqeeyo
 
Xasan Maxamed Khliif Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegay inay si dhawa ula shaqayndoonaan barnaamijka caafimaadka iyo Hay’ada.
 
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay mid muhiim u ah somaliya haatana uu ka bilowday dagmada Galkacyo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka