Maamulka cusub ee canshuuraha garoonka aadan-cade oo xog cusub sii daayay

Kormerkan oo ay maanta ku tageen Waaxda Canshuraha Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuunita Dadweynaha Eng C/raxman Cumar Cusmaaan , Wasiir ku xigenka Wasarada Maaliyada Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Wasiiru dowlaha Wasarada Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibrahim ayaa aheyd u kur galida howlaha shaqo oo ay halkaas ka bilaabeen maamulka cusub ee dhawaan loo magacaabay Waaxda Canshuuraha ee Garoonka.
Maamulka Cusub ee dhawaan loo magacaabay Waaxda Canshuraha ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ay qabteen ayagoo sheegay iney si wanagsan shaqada u wadaan ayne soo sareen faa’iido ka badan tii hore boqolkiba soddan muddo labo malmood gudahooda  ah.
Wasiir ku xigeenka Waasarada Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibraahim ayaa ku dhiira galiyey dhamaan maamulka iyo shaqalaha iney dar dar geliyaan shaqada ay u hayaan bulashada wax qabad wanaagsane laa imadaan iskane ilaaliyaan wax walibo oo shaqadooda ku keeneyso dhibaato.
Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Xukumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay iney jireyso isla xisaabtan ku aadan howlaha shaqo kuwi ka horeyeyna lala xisaab tami doono isagoo sheegay ineysan jiri doonin waxa isdaba marin danbe.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.