Video:-Xildhibaanada horusocod oo sheegay ina yihiin xisbi siyaasadeed cusub

Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka islamarkaana dhawaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madal ay u bixiyeen horusocod ayaa sheegay in aysan ahayn mucaarad ka dhan ah dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaannadan oo maanta kula ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan mucaarad ahayn laakiin ay u jiraan kaliya dhowr hadaf oo gaar ah.

Kulanka Maanta ayaa waxaa shir guddoominayay C/rashiid Maxamed Xiddig oo la sheegay in uu hormuud u yahay Madasha Nairobi lagu dhisay ee la sheegayo in ay waddo mooshin ka dhan ah Dowladda Fedraalka ah.

Kulanka ay maanta yeesheen ayey ku beeniyeen warar lagu qoray Baraha Bulshada oo sheegayay in ay mooshin ka wadaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo,waxaana ay ku tilmaameen war aan sax ahayn.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka