Al-Bashir oo Trump Dartiis uga Baaqday Shirka Riyadh

Dowladda Sudan ayaa sheegtay in madaxweyne Omar al-Bashir uu doortay inuusan ka qeyb galin shir madaxeed ka dhacaya magaalada Riyadh, kaasi oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka qeyb galayo.

Bashir ayaa la sheegay inuusan dooneyn inuu waxyeeleeyo xiriirka Mareykanka iyo Sudan.

Wasiirka warfaafinta Ahmed Bilal ayaa sheegay in Khartoum ay garowsan tahay in dacwadaha ay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada kusoo oogtay Bashir, ay adeekeenayaan inuu la kulmo Trump.

Bilal ayaa sheegay in la kulanka Bashir ay dhibaato u keeni karto Trump oo la filayo inuu go’aan ka gaaro in gebi ahaan la qaado cunaqabateynta dhaqaale ee Mareykanka uu saaray Sudan sanadii 1997-kii.

“Haddii Trump uu la kulmo Bashir waxay saari doontaa cadaadis, waxayna taas fursad u noqon doontaa mucaaradka diidan in cunaqabateynta laga qaado Sudan” ayuu yiri Bilal.

Bashir ayaa waxaa baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee magaalada Hague ee ICC ayada oo lagu tuhmayo xasuuq iyo dambiyo dagaal oo ka dhacay gobolka Darfur.