Video:-Alshabaab oo soo bandhigay muuqaalka askari kenyan ah oo ay haystaan

Xarrakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaalka askari ka tirsanaa ciidamada Kenya oo horaantii bishii Janaayo sanadkii 2016ka lagu qabtay weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Alfred Danyi ayaa ka codsaday shacabka Kenya inay u midoobaan sidii looga saari lahaa Al-Shabaab oo muddo sanad iyo bilooyin uu gacantooda ku jiro.

“Laga soo bilaabo markii uu dhacay dagaalkii Ceelcadde ilaa hadda waxaan ku jirnaa Jeelka Al-Shabaab anagoo maxaabiis ah, welina wax war ah kama helin dowladeena, Ma aanan helin wax caawin ah, sidaas darteed waxaan shacabka Kenya ka codsaneynaa in ay u midoobaan arinteena, una raadiyaan xal lagu soo afjarayo Mushkiladda na heysata” ayuu yiri,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka