Video:-RW Khayre”Puntland heerka waxbarashada ay ka gaartay waa ku amaanaynaa”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Dugsiyada ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga ah oo guud ahaan maanta dalka oo dhan ka dhacaya. Iyadoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.

 Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, wuxuuna boggaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku. Iyadoo guud ahaan Imtixaankan ay geli doonaan 27,000 oo arday kuwaas oo ku kala sugan Gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in bulsho waliba oo gaartay horumar dhalinyaradeedu horseed u yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo Waxbarashada dalka, si looga gudbo dib-u-dhaca iyo bur-burka ragaadiyey dhalinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka