Gabar Booliska Puntland ka tirsan oo lagu dilay Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo,ayaa sheegaya in Nin Ku Hubeeysan Qoriga loo yaqaano Ake-47 uu Toogasho ku dilay mid kamida Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland.
 
Warsan Faarax Yacquub oo ah Gabar ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliska Puntland ayaa lagu dilay Weerarka Hubeeysan ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay inuu baxsaday Ninkii Falka Dilka ah geystay.
 
Lama oga falkan inuu xiriir la leeyahay kuwii hore ee ay magaalada Galkacyo ka gaysan jireen kooxo loo malaynayo inay xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo in kale.
 
Toogashada ayaa ka dhacday Taliska qaybta gobolka.