War deg-deg ah:-Qarax ka dhacay Bosaso goor dhawayd

Inta u dhaxaysa Hotel Juba iyo daarta caanka ah ee Gaaca Bosaso ayaa waxaa goordhawayd ka dhacay qarax.
 
Qaraxan ayaa sida ay xogta ku helayso idilnews waxa uu ka fashilmay nin sitay walxaha qarxa oo si lama filaan ah isagoon gaarin goobtii uu la beegsanayay uga qarxay.
 
Ilaa iyo hada waxay wararka hordhaca ah ee ay helayso idilnews sheegayaan in 5-qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxa.
 
Waxaa goobta soo gaaray ciidanka amaanka Bosaso oo hada goobta xiray baarsina ka bilaabay.
 
 
La soco wararkayaga danbe.