Video+sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo booqasho laba bari ah ay uga bilaabatay dalka qadar

Madaxweynaha dawlada fadaraalka oo maalmahan booqasho ku joogay dalka jabuti,ayaa maanta soo gabagabeeyay booqashadisii isla markaana uga sii baqoolay dalka qadar oo uu ka helay casuumad rasmiya.
 
Madaxweyne farmaajo waxaa ku weheliya socdaalkiisa Qadar xubno ka tirsan golaha wasiirada,kuwaasoo kala ah wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Amniga iyo Gaashaandhigga,.
 
Sida qorshuhu yahay madaxweyne farmaajo waxuu joogi doonaa dalka qadar labada maalmood ee soo socota,waxuuna isla beri kulan kula qaadan doonaa Qasriga Boqortooyada dalka Qadar Amiirka Dalkaas Shiikh Tamiim Bin Hamad Al Thani..
 
Labada hogaamiye ayaa la filayaa in ay kawada xaajoodaan xiriirka labada dal iyo sidii Dawlada Qadar taageero dhinacyo badan leh ula garab istaagi lahayd dawlada fadaraalka ee somaliya.
 
Isku soo wada duuboo madaxweynuhu inta uusan kasoo anba bixin dalka Qadar waxaa u qorshaysan in uu kulan la qaato jaaliyada somalida ee dalkaas ku dhaqan,hoos ka daawo muuqaalka.
 
 
 
idilnews
Doha

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka