Ma dhabaa in wariye Coldoon cafis madaxweyne lagu sii daayay?

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Siilaanyo cafis ufidiyay wariye Coldoon.

 

 

Coldoon oo ah wariye badanaa ka shaqeeya arimaha gargaarka dadka dhibaataysan,ayaa mudo hada laga joogo 3 bilood waxaa lagu xiray madaarka hargaysa, xili uu markaas kasoo laabtay  muqdisho iyo olalihii doorasho ee madaxweyne farmaajo.

Coldoon ayaa taageero cad la garab istaagay xiligii olalaha doorashada madaxweyne farmaajo. Taasoo masuuliyiinta sl ay ka caroodeen kuna tilmaameen  khiyaamo qaran.

Cafiskan maanta soo shaac baxay,ayaa ka dhigan hadii uu dhab noqdo Talaabo xaga saxda ah  loo qaaday.

 

Idilnews

Hargaysa