Khayre oo dib u dhis ku bilaabay wadadii sodonka ee muqdisho

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha mamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay waddada Sodonka ee magaalada Muqdisho.
 
Waddada Sodonka ee Muqdisho oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa la qorsheeyey in lagu sameeyo dib u dhis maadaama ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
 
Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib u dhiska wadooyinka Muqdisho ay qeyb ka tahay qorshaha bilic soo celinta gobolka Banaadir.
 
Ra’isalwasaare Khayre ayaa loo arkaa xiligan in uu yahay hogaamiye hawshii loo igmaday dadaal kamuujinaya,kana hawlkarsan madaxweyne farmaajo.