Video:-Maxaa looga saaray labada xildhibaan baarlamaanka jubaland?

Xildhibaan Cabdiqaadir Ibraahim Cali iyo Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo labaduba ka mid ahaa  baarlamaanka jubaland ayaa laga saaray baarlamaankaas, kadib markii ay dhaliileen hogaaminta Axmed Madoobe.

Labadan xildhibaan ayaa shir jaraa’I’d oo ay qabteen waxay si cad ugu sheegeen in maamulka Axmed Madoobe yahay mid fadhiid ah oo dhaafI waayay kismaayo,isla markaana ku shaqeeya eex iyo cadaalad xumo qaawan.

Dhanka kale waxay xildhibaanada lagå tuuray baarlamaanka jubaland sheegeen in xildhibaanada ay yihiin kuwo aan awood u lahayn la xisaabtanka Axmed Madoobe oo ay u kala qaybsan yihiin kuwo qabiil ku taageersya iyo kuwo la baqsaday oo aan hadli karin.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraar’id ee mid ka mid ah labada xildhibaan ee laga saaray baarlamaanka

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka