Video:-Madaxweyne Gaas oo magacaabay wasiiro iyo wasiiru dawlayaal cusub

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 June 2016 Xafiiskiisa kasoo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr. 55  June 05, 2017

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay :         Dastuurka Dawladda Puntland.

Makuu tixgeliyey:      Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu la tashtay:   Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.

 

Wuxuu xeeriyey:-

  1. Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
  2. Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
  3. Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
  4. Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
  5. Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
  6. Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  7. Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
  8. Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
  9. Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xiogeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.

 

Xeerkani Wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka