Video:-Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Talaado ah Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo.
 
Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhawayn kadib sheegay in Jubbaland ay muhiim u tahay booqashada maanta uu ku yimid Madaxweyne Farmaajo qayb dalkiisa kamid ah oo uu ka hanaqaaday hanaanka Federaalka ah.
 
Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa xusay in ay Jubbaland rajaynayso sidii loo hirgalin lahaa Xarumo iyo goobo ay ku shaqeeyaan Hay’adaha Dowlada Dhexe gaar ahaan Madaxtooyada Ra”iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Jubbaland, isagoo ku amaanay hawsha wanaagsan ee Jubbaland ay ka qabatay Magaalada Kismaayo oo hada Xarun KMG ah, isla markana ay ku shaqeeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowlad goboleedka Jubbaland, isagoo balan qaaday in Federaalku ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga hawlgali doonan sidii Xarumo ay Madaxda Dowlada dhexe ku shaqeeyaan Kismaayo looga furi lahaa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka