Ciidamada Puntland oo dharbaaxo kulul ku dhufay maleeshiyada Alshabaab

Wararka ka imanaya degaanka Af Urur ee Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay saaka goor hore ay weerar ku qaadeen goobtaasi oo saldhig u ahayd ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa daraawiishka.
 
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in weerarka ay saldhigga kusoo qaadeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab, isla markaana uu goobta ka dhacay dagaal socday muddo laba saacadood ah.
 
Taliye Korneel Cabdullaahi Cumar Canshuur ayaa intaas ku daray in weli rasaas ay ka dhacayso degaankaasi,isla markaana ay go’an tahay isgaarsiinta deegaanka.
 
Wararka kale ee laga helayo aaga hore ee dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay kala cayriyeen maleeshiyadii soo weerartay,isla markaana fashiliyeen weerarkoodii.
 
 
la soco wrarkayaga danbe.