Video:-Wararkii udanbeeyay hawlgalka sifaynta argagixisada ee Af-urur

Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland oo ilaa shalay si xoog leh u waday hawlgalka sifaynta argagixisada soo habawday,ayaa waxay hawgalkoodaas ku dileen in ka badan 48 maleeshiyada alshabaab ah.
 
Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 23 ka tirsan maleeshida alshabaab halka dhaawaca alshabaab ee gacanta lagu hayo uu gaarayo 13-maleeshiyadooda ah.
 
Waxaa xusid mudan in 23-ka maleeshiyada alshabaab ka tirsanayd ee ciidanku gacanta ku dhigay ay 17-ka mid ah u dhasheen beesha Isaaq.
 
Dhanka ciidanka difaaca puntland,ayaa waxaa hawlgaladaas ilaa shalay kaga geeriyooday 1-askari halka dhaawacuna yahay 3-kale.
 
Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay weerarkii alshabaab habeen hore saq dhexe ay kusoo qaadeen saldhiga ciidanka puntland ay ku leeyihiin af-urur,.
 
Ciidamada difaaca Puntland ayaa wali sii wada hawlgalkoodii,sida uu noo xaqiiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland,ciidamadu ma joojin doonaan hawlgaladooda ilaa ay si dhab ah usifeeyaan argagixisada ku dhuumalaysata buuraha Silsilada ah ee Golis,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka