Video:-Hawlgalkii Pizza Hotel oo lasoo afjaray iyo geerida oo maraysa 18-qof

Ugu yaraan 18 ruux ayaa ku dhimatay qarax baabuur loo adeegsaday iyo weerar dabo socday oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa sheegay in baabuur lagu soo raray walxaha qaraxa uu duqeeyey albaabka laga galo hudheelka Posh Treats oo ku yaalla badhtamaha caasimadda.

Ilaalada hudheelka ayaa iyaguna rasaas furay qaraxa ka dib, qof goob jooga ayaa isna sheegay inuu arkay dhawr mayd oo goobta yaalla.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu weerarkaa qaadeen, ayna sidoo kale galeen makhaayada Pizza House.

Waa weerarkii ugu waynaa ee ay kooxda Al Shabaab qaaddo bishan barakaysan ee Ramadaan.

Laamaha ammaanka hadda sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ay wadeen ayna maydadka soo saarayaan.

Dawladda Soomaaliya ayaa wakhyidan dambe ka wada magaalada Muqdisho hawlgallo hub ka dhigis ah.

Madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu wacad ku maray in uu muddo labo sano ah su sifayn doono ururka Al shabaab,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqalka