Video:-Cali Khaliif oo si rasmiya maanta ugu biiray maamulka beesha isaaq ee Somaliland

Waxaa maanta Hargaysa ku kala saxiixday heshiis kooxdii khaatumo ee uu hogaaminayay Cali Khaliif Galayr iyo Maamulka Somaliland.

Wada xaajood mudo usoo socday kadib ayuu ka dhashay heshiiska maanta dhexmaray labada dhinac.

Heshiiska ayaa ka kooban qodobo dhawr ah oo intoobada badan ay ka dhex muuqdaan qodobo lagu qancinayo Cali kahliif iyo kooxdiisa.

Waxaa ugu muhiimsan oo laga xusi karaa qodobadaas:-

 

1.In Burco lagu qabto shirweyne si rasmiya loogu soo afjarayo iska soo horjeedkii kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif hogaamiyo  iyo maamulka Somaliland ee beesha Isaaq.

2.In dib loo wada dhisto Somaliland lawada leeyahay oo cadaalad ku dhisan.

 

 

Halkan ka akhriso heshiiska:-

 

Isku soo wada duuboo heshiiska Cali Khaliif iyo Somaliland dhexmaray maanta kama duwana kuwii horay u dhexamaray somaliland iyo kooxihii hore ee sheeganayay in ay matalaan beesha Dhulbahante masiirkeeda,markii si kala loo yiraahdo Cali uguma horayn ugumana danbayn doono siyaasiyiinta ama shaqsiyaadka ugala somaliland ee sheegta in ay matalaan masiirka beesha Dhulbahante oo aan waxba soo kordhin.

Cali Khaliif ayaa mudaba ku mashquulsanaa sidii uu beesha Dhulbahante si buuxda ugu gacan galin lahaa maamulka beesha Isaaq ee Somaliland,balse waxaa fikirkaas si adag uga hor yimid waxgaradka,siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka beesha Dhulbahante,ugu danbayntiina waxuu Hargaysa kala soo cid galay koox yar oo ay wada qaraabtaan,hoos ka daawo muuqaalada sida ay u dhaceen heshiisyada Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad