Video+Sawiro:-Sideed ku geeriyootay qaraxii saldhiga waaberi ee muqdisho

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyootay, tiro ka badanna waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur nooca Surf loo yaqaan ayaa lala beegsaday saldhigga.

Baabuurka ayaa waxaa watay qof aan weli la aqoonsan,kaasoo ku leexiyey saldhigga, kadibna saldhiga ku qarxay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween badan oo marayey waddada iyo qaar ka mid ah ilaalada boolsika ah ee saldhigga,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka