Sawiro:-Wasiirka arimaha dibada Norway oo soo gaaray muqdisho saakay

Wafti ka socda dowladda Norway oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Waddankaas ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Børge Brende iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka midyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
 
Waxaa lagu wadaa in xubnaha Wafdigaan goor dhow ay madaxtooyada Soomaaliya kula kulmaan madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
 
Dowladda Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya isla markaana ka mid ah Dalalka Danjirayaashooda ay joogaan dalka.
 
Dhowaan ayay ahayd markii R/wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu dalka Qadar kula kulmay wasiirka Arrimaha dibadda ee Waddankaasi Norway, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.
 
Sidoo dowladda Norway waxay aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliyeed ka dib markii dalkaasi ay booqdeen masuuliyiin ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Agaasimaha hay’adaas.