Video:-Xidiga aduunak ugu caansan ee Kubada cagta Lionel Messi

Xiddiga dunida ugu caansan ee kubadda cagta Lionel Messi ayaa guursaday gabdhii ay yaraantiisii isbarteen, waxaana arooskaan uu noqday arooskii qarniga ugu shidnaa.

250 qof oo lagu casuumay ayaa ka qeybgashay oo u badan ciyaartooy caan ah, qoyska labada aroos iyo marti sharaf kale.

Messi ayaa markii uu 13 sano jir ahaa isbarteen Antonella Roccuzzo, waxayna u dhashay labo caruur ah iyagoona jacleystay in guurkooda hadda dhaco.

Laacibiinta ka qeybgalay xaflada waxaa ka mid ahaa Luis Suarez, Neymar, Fabregas, Di Maria, Piqué iyo xaaskiisa Shakira iyo laaciibiin badan,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka