Video:-Wasiir Beyle”Nalama sii joogi doonaan bishan waxii ka danbeeya kuwa lacagta iska qaata”

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa digniin u diray dadka mushaarka ka qaata hey’adaha dowladda ee ku diiwaan gishan inay shaqaale yihiin, balse aanay soo xaadirin shaqooyinkooda.

Dr. Beyle ayaa sheegay inay soo ogaadaan dad mushaarka ka qaata, balse aanay aheyn shaqaale dowladda ka tirsan, kuwaasoo uu xusay inay qoreen rag siyaasiyiin ah sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa soo ogaanay kuwa meelo kale ka shaqeeya, ee mushaarka dowladda qaata, kuwa dibadaha jooga ee mushaarka qaata, kuwo suuqa bakaaraha iska fadhiya oo mushaar qaata, oo aan soo xaadirin shaqada”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda,hoos ka daawo muuqalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka