Mareykanka oo Qatar Airways ka Qaaday Xanibaaddii Kombuyuutarada

Shirkadda diyaaradaha Qatar Airways ayaa sheegtay in rakaabka ay kombiyuutarada laptop-ka la kori karaan diyaaradaha duuliimaadyada tooska ku aadaya dalka Mareykanka.
 
Shirkadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in garoonka ay ka duusha ee Hamad International Airport uu kasoo baxay shuruudo amni oo Mareykanka uu doonayey.
 
Bishii March ayaa dowladda Mareykanka waxa ay mamnuucday in kombiyuutarada laptop-ka lala soo koro diyaaradaha Mareykanka soo aadaya ee kasoo baxaya 10 garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, sababo la xiriira walaacyo dhanka ammaanka ah.
 
Qatar Airways waa diyaaraddii afaraad ee toddobaadkan ku dhawaaqday in Mareykanka uu ka qaaday xannibaadda kombiyuutarada laptop-ka.
 
Shirkadda fadhiggeedu yahay magaalada Abu Dhabi ee Etihad Airways ayaa ahayd diyaaradidi ugu horeysay ee xanibbaada laga qaado axaddii, waxaana xigay diyaraadaha Emirates iyo Turkish Airlines oo laga qaaday talaadadii.