Senetarada Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka oo kalfadhigoodii 2aad yeelan doona

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa ka warbixiyay xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Dalka.
 
Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in 12-ka Bishaan Juulaay uu si rasmi ah u furmi doono Kalfadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare e Dalka.
 
Wuxuu sheegay in kulanka ugu horeeya diirada lagu saari doono dib u eegiska Dastuurka dalka ayna ka qaybgali doonaan Gudiyada Joogtada ah ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, guddoomiyaasha Baarlamaanada dowlad gobaleedyada, wasaaradda Dastuurka, Ururada bulshada Rayidka ah iyo masuuliyiin kale.
 
Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka soo laabanaya fasaxii ay galeen markii la xiray kalfadhigii koowaad ee Golaha Aqalka Sare.