Video:-RW Khayre oo loo xaqiijiyay in aan mooshin ka oolin iyo kulankii G.Joogtada ah oo is afgarad kusoo dhamaaday

Waxaa soo gabagaboobay shirkii deg-dega ahaa ee u socday Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Shirkaas oo ay albaabadu u xiraanyeen ayaa su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, gaar ahaan arrimo ku saabsan kacdoon hoose oo ay wado Xukuumadda oo ay ku kicineyso shacabka iyo hadalkii ka soo yeeray Sheekh Nuur Baaruud ee ka dhanka ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay hadalka Sheekh Nuur Baaruud aad uga caroodeen, ayna keentay in Guddoonka ku wargeliyaan in arrintan si deg deg ah wax looga qabto, taasoo keentay in kulan deg deg ah la isugu yeero Guddiyada joogtada Baarlamaanka, si arrintan looga hadlo, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha loo yeero si uu jawaabo uga bixiyo.
 
Hadaba Tv-ga Universal ayaa waraystay xildhibaan ka mid ah gudiga Joogtada ah ee caawa kulanka la qaatay Ra’isalwasaare Khayre.
 
Xildhibaanka ayaa faahfaahiyay kulankaas iyo qodobadii looga wada hadlay,sidoo kale waxuu sheegay in uu si afgarad kusoo dhamaaday,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka