Madaxweyne xigeenka Puntland oo kulamo la leh maamulka iyo saraakiisha ciidamada Mudug

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Camey oo kamid ahaa waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Gaas ee ka qaybgalay aaskii marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle Codweyn ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
 
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Kulan ay Albaabadu uxiran yihiin la qaatay Madaxda Maamulka Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada,waxuuna kala hadlay arimo ay ka mdi yihiin Ammaanka Gobolka Mudug iyo Heshiiskii Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin Cadaado halka uu ku dambeeyay.
 
C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey madaxweyne xigeenka Puntland,ayaa faray Laamaha Ammaanka Gobolka Mudug in ay Xaqiijiyaan Ammaanka Gaalkacyo oo Mudooyinkii dambe ay ka jireen Dilal Qorsheysan.
 
Kulamadaas iyo wararka kasoo kordha kala soco wararkayaga danbe.