Sawiro:-Jaamacadaha Puntland oo dhistay Urur ay ku midaysan yihiin

Waxaa maanta magaalada Garoowe lagu soo gaba-gabeyey shirkii usocda Jaamacadaha Puntland kaas oo looga hadlayey sidii loo sameyn lahaa urur ay ku mideysan yihiin jaamacaddaha Puntland.
 
Shirkan ayaa waxaa lagaga dhawaaqay urur ay ku mideysan yihiin jaamacadaha Puntland (Association Puntland University).
 
War-murtiyeed ay si wada Jir usoo saareen dhamaan xarumaha waxbarashada Sare ee uu ururkan ka kooban yahay ayaa lagu sheegay inay laysku raacaya ururkan cusub.
 
Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland
 
Waxaana shirka marti galisay jaamacadda East Africa University, Garowe Campus waxaana dhankale qabab qaabada guud lahaa jaamacaada #PSU iyo jaamacadda #VU.