Xoosh JIbril”Somaliland oo ka maqan Dastuurka afti looma qaadi karo”

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
 
Isagoo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayuu Wasiir Xoosh sheegay in marka la soo gaba gabeeyo dib u eegista Dastuurka uu Baarlamaanka labada Aqal uu talo ka geli doono, kaddibna ay cod u qaadayaan, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.
 
Wasiir Xoosh ayaa sheegay in labo sano gudahood la doonayo in loo qaado dastuurka afti dadweyne, hase ahaatee waxaa uu xusay inay caqabado ka imaan karaan, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo siyaasada.
 
“Dastuurka waa in afti loo qaadaa, labo sano gudahood si xalaal u noqdo, in Ammaanka noo ogolaan waayo, waa laga yaabaa, hadii Amniga noo ogolaadana, tan siyaasiyada ayaa iyana caqabad ah, maxaa yeelay Somaliland oo ka maqan sheeko qarameedkan Afti lama gelin karo Dastuurka”ayuu yiri Wasiir Xoosh.
 
Waxaa uu sheegay in hadii Afti loo qaado Dastuurka, iyadoo Somaliland maqan ay u muuqaneyso in laga maarmay oo ay ku noqoneyso dal ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.
 
“Hadii Somaliland aftida ka qeyb qaadan, waxaa u muuqaneynaa inaan dhahno waa idinka maaranay, marka waa inay dariishada furnaato, si Federaalkan socda ay ugu soo qeyb geli lahaayeen”ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil.
 
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada tashi kula yeelaneysay xarumaha deegaanada maamul goboleedyada, si shacabka looga qeyb galiyo talooyinka ku aadan dib u eegista qodobada Dastuurka.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee Agosto inuu furo shirweyne looga hadlayo qabyo tirka lagu sameynayo dastuurka dalka.