Video:-Rw khayre oo jeexjeexay lacagta cusub amrayna in Bankiga Dhexe soo sameeyo Lacag cusub

Guddoomiyaha, Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali, oo maanta xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa u sheegay in Bandiga uu ku howlan yahay soo daa bicista lacag cusub oo shilin Soomaali ah,  taas oo wax looga qaban doono lacagaha been abuurka ah ee dhibaatada ku haysa suuqyada wadanka.

 “Bankiga dhexe iyo hey’adda u xil saaran waxaa ay ku howlan yihiin in lacag cusub la soo daabaco oo aan la ben abuur karin, dadka fal dambiyeedkaas lacagta been abuurka wadana in laga joojiyo arintaas,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir.

Guddoomiye Bashiir, oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale, xusay in laamaha Bankiga dhexe ee magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo la diyaariyay isla markaana meelaha kale gacanta lagu hayo goor dhowna la dhameystiri doono.

“Lacagta waxaa ku jira Kun, labo Kun, Shan Kun, 10 Kun, 20 Kun, waxaa kale oo laga fekirayaa xitaa 50 Kun in lagu soo daro laakiin intaan hor ayaa loo baahan yahay ayaa la yiri,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda sameyn doonto lacag ka yar Kunka Shilin, hase ahaatee hadda lacagta la diyaariyay ay tahay Kunka Shilin.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa sheegay dadka sameeya lacagaha been abuurka ah ee loo ekaysiiyey Kunka Shilin iyo inta ku gacansiisa ay dalka iyo dadka dambi ka galeen, cidii lagu soo qabto iyada oo gacanta kula jirta samaynta lacagtaas sharciga la horgeyn doono.

“Sharciga waxaa uu leeyahay qofkii lagu helo lacag been abuur ah waa 10 sano oo xarig ah waana dambi caalami ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Mudooyinkii dambe waxaa sare u kac laga dareemayey qiimaha quudul daruuriga ee suuyada dalka, taas oo loo aaneeyey lacago badan oo suuqyada soo galay lacagtaas oo u badneeed mid been abuur ah waxayna keentay in ay salfato lacagtii Shilin Soomaaliga aheyd,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka