Shirkadaha Waaweyn ee Soomaaliya.WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

Shirkadaha Waaweyn ee Soomaaliya
 
Dhaqaalaha Soomaaliya waxa saldhig u ah dhoofinta xoolaha, beeraha, iyo xawaaladaha. Xeerarka Soomaalida ee soo-jireenka ah ayaa fududeeyay in ganacsatadu amni helaan, gaar ahaan deegaannada Puntland iyo Somaliland. Nabaddoonnada iyo baarlamaannada gobolladaasi ama deegaannadaasi ayaa gacan ka geeystey, halkii ay ka ahayd in dawladda dhexe sugto amniga ganacsatada iyo muwaadinnada dalka.
 
Soomaaliya waxa soo gaaray burbur baaxad ballaaran oo dhan kasta ah (dhaqaale, siyaasad, bulsho, ammaan, iwm). Dagaalladii sokeeye kaddib dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu galay marxalad soo kabasho. Hayeeshee halkii ay ahayd in dawladdu bixiso adeegyadii siday ahaan jirtey waagii hore ama burburka ka hor, kaalintaas in muddo ah waxa buuxiyay maalgeshadayaasha iyo ganacsatada lahaanshaha gaar ahaaneed.
 
Bulshada Soomaaliyeed waxay ku nooshahay nolol saboolnimo heerka ugu hooseeya ah. Boqolkiiba afartan iyo saddex bulshada Soomaaliyeed waxaa maalintii dakhligeedu yahay hal Doollar oo Doollarka Maraykanka ah ama in ka yar (less than USD 1.00), runtiina ah marxalad khatar ah (danger). Boqolkiiba lixdan iyo shan bulshada Soomaaliyeed ayaa ah xoolo dhaqato oo noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada iyo iibgeeynta xoolaha. Inkastoo dhoofinta xoolihii Soomaaliyeed waayadan dambe xayiraado saarantahay.
 
Beeruhu waa saldhigga dhaqaalaha Soomaaliya. Waxay ka koobantahay boqolkiiba lixdan iyo shan wax-soo-saarka guud ee waddanka. Badeecadaha dibedda loo dhoofiyo ayaa kala ah: muuska, kalluunka, beeyada, iwm. Waxa jira wax-soo-saar waddanka gudihiisa loo iibgeeyo sida gallayda, sonkorta, iwm.
 
Ku dhowaad lacag hal bilyan oo Doollarka Maraykanka ah ayaa qurbajoogta Soomaalida u xawilaan waddanka. Dahabshiil ayaa ah shirkadda xawaaladda Soomaaliya iyo Afrika ugu weyn. Waxaa u shaqeeya shaqaale caddaddoodu dhantahay labo kun oo qof. Waxay xafiisyo ku leedahay boqol iyo afartan iyo afar waddan dunida dacalladeeda ah. Waxa kaloo jira shirkadda xawaaladda Amal, iyaduna cayaarta dawr muhim ah.
 
Isgaarsiintu waa qayb dhaqaalaha Soomaaliya kaalin muhiim ah kaga jirta. Shirkado yaryar oo badan ayaa la aasaasay dagaalladii sokeeye kaddib, si macaamiisha adeeg asaasi ah u siiyaan. Shirkado caalami ah Multi National Corporations [MNC], sida: (Telenor, ITT, iyo Sprint) ayaa iskaashi la galay shirkadaha Soomaalida, taasoo ka dhigtey Soomaaliya waddanka Afrika ugu fiican adeegga telefoonnada gacanta iyo Internet-ka, xagga qiimaha oo jaban iyo maqalka oo tayadiisu sarreeyso.
 
Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya imminka ka jira waxaa ka mid ah (Somali Telecom group, Telcom, Netco, Somafone, Hormuud Telecom, Golis Telecom group, iyo Nation Link). Hormuud Telecom waa mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn. Dakhligeedu waa afartan milyan oo Doollarka Maraykanka (USD 40 million) ah. Shirkado badan oo isgaarsiinta ayaa sannadkii 2005tii kala saxiixday heshiis iskaashi dhexmara.
 
Soomaaliya waxay leedahay labo iyo toban xarumood oo raadiyayaal iyo telefishanno ah. Waxay leedahay labaatan wargeysyo iyo caddad kale oo ku shaqeeya Online (Websites). Intuba waxay ka mid yihiin warbaahinta madaxa bannaan ee kobocday caddad ahaan burburkii kaddib, balse taya ahaan hooseeysa.
 
Adeegga korontada waxa bixiya shirkado yaryar oo gobollada ka jira. Shirkadda caalamiga ee xoogga korontada iyo gaaska (transnational industrial electricity and gas company) waa shirkad la unkay sannadkii 2010kii. Waxaa ku midoobay shan shirkadood oo ka kala socday qaybaha isgaarsiinta, xawaaladaha. Shirkaddani waxay haysataa dakhli dhan hal bilyan ee Dollarka Maraykanka ah. Waxay rajeeynaysaa in ay qorato shaqaale ilaa boqol kun gudaha Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena horumarinaysa kaabayaasha tamarta.
 
Waxaa la aamminsanyahay in Soomaaliya, bad iyo beriba, ku jiro khayraad lixaad leh kaasoo wali dihin, sida batrool iyo khayraad kaloo dabiici ah ahna muhim. Sannadkii 2008dii, dawladdii federaalka-ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya aasaaskeedii bud-dhige ka ahaa, Eebbe haw naxariistee, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa asaasay shirkad batrool si gacan uga geeysato arrimaha maammulidda iyo horumarinta khayraadka batroolka Soomaaliya ku jira.
 
Maalgeshiga qurbajoogta Soomaalida waxay gacan ka geeysatay tijaabada sidii dib loogu yagleeli lahaa wax-soo-saarka warshadaha waddanka ee joogsatay dagaalladii sokeeye iyo amnidarrada jirta awgeed. Deegaannada Puntland iyo Somaliland waxa laga hirgeliyay warshado kalluun iyo hilibka. Dhanka koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxa laga hirgeliyay labaatan iyo shan warshadood oo soo saara badeecadaha kala ah: saabbuunta, dharka, doonyaha yaryar ee kalluumeeysiga, dhagaxda dhismaha gasha, khudradaha (crystallised fruits), iwm.
 
Shirkadda cabbitaanka Coca-Cola ayaa Muqdisho sannadkii 2004tii warshad ka hirgelisey. Sidoo kale Dolefruit iyo General Motors ayaa maalgeshi geliyay gobolka.
 
Shirkadaha badan ee Soomaaliya ka hawlgala waa kuwo yaryar oo ka shaqeeya gudaha waddanka iyo waddammada Soomaaliya deriska la ah. Ilaa iyo laga soo bilaabo dagaalladii sokeeye 1991kii, waxa xoogga la saaray sidii ay u bixin lahaayeen adeegyo aasaasi ah sida korontada, isgaarsiinta, iyo xawaaladaha. Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha Soomaalida ee bixiya adeegyadan (services) kana hawlgala gudaha waddanka iyo waddammada deriska ayaa ah kuwo muhiimaddoodu sii kordhayso taasi oo ka dhigaysa in Soomaaliya ganacsiyada lahaanshaha gaar ahaaneed ka muhimsan yahay midka dawladda.
 
Wax-soo-saarka Soomaaliya sida laga warqabo waa hooseeyaa, ma jirto koboc dhaqaale. Horumarka qayb weyn bay shirkadaha adeegyadu ka qaateen,laakiin dad caddadoodu yar tahay ayaa ka faa’iday, sidaasi darteed Soomaalidu kama faa’idin xagga dhaqaalaha, inkastoo xoogaa shaqo abuureen.
 
Soomaaliya waxa faa’ido u ah ayaa Puntlandna faa’ido u ah. Soomaaliya iyo Dawladda Puntland waxay horumarka ka leeyihiin ujeeddooyin iyo tillaabooyin mideeysan. Horumarka dhaqaalaha waxaa ujeeddadu tahay shaqo abuurid iyo yareeynta shaqo la’aanta, gaar ahaan dhallinyarada.
 
Dawladda Puntland iyo Soomaaliya waxay u baahanyihiin mashruucyo badan oo horumarineed, sida dhismaha kaabayaasha dhaqaale oo casri ah, sida: dekedo, garoommo diyaaradeed, tareenno, koronto, laamiyo, iwm. Kaabayaashu waxay fududeeyaan isu socodka dadweynaha iyo badeecadaha. Waxay kor u qaadaan wax-soo-saarka waddanka. Kaabayaal dhaqaale oo casri ah ee Soomaaliya ayaa khasaarta sannad kasta ilaa iyo 2% iyo in ka badan koritaan dhaqaale ah. Waxaa sidoo kale loo baahanyahay biyo nadiif ah iyo fayadhawr si loo xaqiijiyo caafimaadka. Bulsho caafimaad qabta baa abuurta horumar dhaqaale iyo amni wanaagsan, in dadkooda aqoon iyo xirfado ay ku shaqeeystaan baraan. Waxaa aad u sarreeya caddadka carruurta joogta da’aadda waxbarashada oo aan tegin iskuullada.
 
Dhallinyaradu waa lafdhabarka mustaqbalka Soomaaliya iyo Puntland, sidaas darteed waa in loo sameeyo barnaamijyo diiradda saaraya horumarinta aqoontooda, xirfaddooda, iyo caafimaadkooda. Waxa la maalgashanayo ayaa ah mustaqbalka. Horumar dhaqaale iyo amni wanaagsan lama gaari karo haddii dhallinyarada la maalgashan oo loo dhiibin agabkii ay u baahnaayeen si ay ugu guuleeystaan dhaqaalaha adduunka.
 
Yaasiin Cabdullaahi Faash
 
yaasiinfaash@outlook.com

 
%d bloggers like this: