Dhagayso:-Talyaha Ciidamada Bada Puntland”Ciidamada Bada Puntland awood buuxda ayay uleeyihiin la dagaalanka Burcad badeeda hawlgal ka dhan ah ayayna bilaabayaan”

Puntland ayaa sheegtay in ciidamada badda ee loo yaqaan PMBF ay awood buuxda u leeyihiin inay burcad badeedda kula dagaallamaan isla markaana ka ilaaliyaan xeebaha si aysan weerar ugu gaysan maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga.
 
Ciidankan ayaa isku diyaarinaya inay ilaaliyaan xeebaha kadib marka uu dhammaado xilliga bad xiranka oo ay haatan ka harsan tahay saddex toddobaad keli ah, xilligaasi oo laga cabsi qabo inay doomaha burcad badeeddu dib u galaan biyaha.
 
Talyaha Ciidamada Bada Puntland Cabdirisaaq Diiriye ayaa waraysi uu siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA waxuu kaga hadlay arintaas,hoos ka dhagayso codka talyaha iyo faahfaahin warkaas ku saabsan.

 

 

 

 

Halkan ka dhagayso codka Barnaamijka