Madaxweyne Faroole oo iska casilay xubinimadii Gudiga Dastuurka Fadaraalka

Madaxweyne Faroole ayaa maanta iska casilay xubinimadisii Gudiga dastuurka Fadaraalka ah.
 
Madaxweynaha ayaa qoraal uu kaga codsanayo Aqalka-sare in laga aqbalo iscaislaadiisa waxuu ugudbiyay Gudoonka Aqalka-sare,iyadooo laga hor akhriyay Senetarada hortooda.
 
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la buuxiyo Xubintaas sida ay sheegeen Gudoonka Aqalka-sare.
 
Guddigan ayaa ka kooban 10-xubnood oo kala ah,5-xubnood oo ka socda Golaha shacabka iyo 5-xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood Rag ah.
 
Beesha caalamka ayaa todobaad ka hor war ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga xun tahay ugana niyad jabtay markii Gudigan laga dhex waayay hal xubin oo dumar ah,waxayna ku baaqeen in qoondadii Haweenka la tixgaliyo.
 
Madaxweyne Faroole ayaa maalmo ka hor waxuu ku guuldaraystay tartan uu la galay hogaamiye kooxeed Cabdiqaybdiid,kaasoo loogu tartamayay Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Fadaraalka.
 
Cabdiqaybdiid oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dalka kuwii ugu naxariista darnaa shacab fara badan xasuuqay xasuuq ,ayaa waxuu helay cod gaaraya 6-cod halka Madaxweyne Faroole helay 4-cod.
 
Dhanka kale Madaxweyne Faroole ayaa beri laga sugayaa magaalada Kismaayo sida xubno ag dhaw ay sheegayaan waxuu casuumad ka helay Madaxweyne Axmed Madoobe.
 
 
Dadka taageera ee u haya sumcada ayaa u arka in la gaaray xiligii Madaxweyne Faroole ka fariisan lahaa siyaasada,iyagoo uga dhigaya daliil dhawr guul daro oo isdaba joog ah oo soo gaartay waxayna dadkaasi qabaan in uusan iska wasaskahayn magaca uu maanta haysto.