Madaxweyne Cosoble oo Baarlamaanka Hir-shabelle kalsoonidiii kala laabtay

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xildhibaanada maamulka Hir-Shabelle ay kalsoonida kala noqdeen madaxweynihii maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble.
 
76 xildhibaan oo kulankan ka qeyb galay, ayaa 68 ka mid ah waxay u codeeyeen mooshinka kalsooni kala noqoshada madaxweynaha oo horey baarlamanka loogu gudbiyay, halka ay lix xildhibaan ka soo horjeesteen, labana ay ka aamuseen.
 
Kulanka Cosoble xilka looga qaaday, oo loo diiday wariyeyaasha in ay goob joog ka noqdaan, ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee magaalada Jowhar oo ah isla halkii lagu doortay madaxweynenimada.