Siyaasadaha Dhaqaalaha.WQ.Yaasiin Cabdullaahi Faash

Siyaasadaha Dhaqaalaha

Dunida dhaqaale ma horumari karo, haddii aan lagu dhaqminnin siyaasado sax ah oo horumarka ka miradhaliya. Siyaasadaha dhaqaalaha ee wanaagsan waxay kala yihiin sidan soo socota:

  1. In suuqu xoryahay (free market);
  2. In canshuuraha badeecadaha soo dega iyo kuwa gudaha la yareeyo;
  3. In xukuumaddu aanay faraggellinnin suuqyada kuna ekaato kaalinteeda sharci-u-dejinta dhaqaalaha, ilaalinta iyo ku kormeeridda suuqyada;
  4. In xukuumaddu ayan caqabad ku noqonnin ganacsiyada, xirriir fiican ka dhexeeyo ganacsatada iyo xafiisyada maammullada dawladda;
  5. In la dhimo canshuuraha mushahaarada shaqaalaha xoogsatada ah;
  6. In maammul wanaag iyo musuqmaasuq yari uu ka jiro hay’adaha dawladda;
  7. In la joojiyo lacagaha cusub oo Shilin Soomaaliga ah ee sida joogtada ah loo daabacdo, taas oo had iyo jeer keenta sicirbarar ba’an.

Waxaa la joogaa xilligay ahayd in la hirgeliyo siyaasadaha iyo sharciyada dhaqaalaha. Jawiga siyaasadeed ee haatan jira, siyaasado dhaqaale caynkan ah lagu hirgelinayo ma muuqato, hadday ahaan lahayd dawladda federaalka Soomaaliya ama maammul goboleedyada. Sabab – waxaan la hayn siyaasiyiin si cad diyaar ugu ah hirgelintoota. Haddii aan la hirgelinnin siyaasadaha iyo sharciyada dhaqaalaha, kolkaa dhaqaalaha waddanku ma guuleeysanayo. Si loo garto muhiimadda siyaasadaha dhaqaalaha, madaxdu waa in fekred wanaagsan dhaqaalaha ka haystaan.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dhaqaalyahan ah iyo xukuummaddiisu tillaabooyinka dhismaha kaabayaasha casriga sida dekedda Boosaaso shirkadda DP World ka dhisayso, waxay faa’ido weyn u tahay horumarka dhaqaalaha Geeska Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Yaasiin Cabdullaahi Faash

yaasiinfaash@outlook.com

 
%d bloggers like this: