Video:-Puntland oo soo saartay digniin ku wajahan Qaraxyo Alshabaab ay qorshaynayso

Cumar C/laahi Faraweyne Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in Shabaab ay bilaabeen in ay u hanjabaan ganacsatada Puntland iyagoo ka doonaya lacag uu ku tilmaamay Maalgilin Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay heleen Warbixino la xariira Hanjabaadyo ka imaanaya Dagaalayaasha Al-Shabaab taas oo toos ugu wajahan Ganacsatada Puntland balse aan loo dul qaadan doonin Hanjabaad Al-Shabaab.

Faraweyne ayaa Sheegay in Ciidamada amaanka ay diyaar u yihiin in shacabka Puntland  ay ka difaacaan Shabaab, oo uu sheegay in mar walba ay isku dayayaan in ay dhibaateeyaan dadka Rayidka ah sidoo kalane doonaya lacagta ay ka qaadaan in ay ku qarxiyaan Goobaha Rayidka.

Wuxuu sheegay Ciidamada ammaanka in aysan cabsi gelineyn weerarada iyo qaraxyada Al-Shabaab ay ka geystaan degaanada Puntland, ayna ka guuleysan doonaan Al-Shabaab lagana sifayn doono Guud ahaan dhulka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka