Video:-Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo si adag uga hadlay arinta Qalbidhagax

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay xaalada jahwareerka dhalisay ee dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Soomalaida Itoobiya ee ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax, isagoo sheegay inuu yahay nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay, isagoo xusay in arrintiisa ay u taalo Dastuurka dalka Itoobiya

“C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in cida ka hadlaysa dhiibidiisa ay tahay kuwo dano iyo ajandayaal fara badan leh, qaarkood wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kursi ku doodaya

“Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu  halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya, mey ka mudaaharaadaan Ardaydii qalin jebinayay ee la qarxiyay, kuwa masaajidada lagu dilo, qaraxa maalin kasta dhacaya, maxay maalina ugu mudaaharaadi waayeen”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

 

 

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqalka