Laamaha amaanka Puntland oo gacanta ku dhigay shaqsiyaadkii fuliyay Qaraxyadii Af-urur

Laamaha amaanka dawlada Puntland ayaa gacanta ksuoo dhigay shaqsiyaadkii maleegay ama fuliyay Qaraxyadii Afurur.
 
Warkan waxaa xaqiijiyay Talyaha ilaalada Madaxtooyada Dawlada Puntland Cabdirashiid Dixiin Kabtan,waxuuna barta uu ku leeyahay Fc-ga usoo dhigay Qoraal uu ku faahfaahinayo arintaas.
 
“Waxaa Farxad weyn ah in Dawlada Puntland ay 30saac gudahood ay gacanta ku dhigtay shayaadiinti ka danbaysay falkii ka dhacay af-Urur maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay kii qarax meesha geliyay iyo qofkii Remote ka ku qarxiyay oo isugu jira Rag iyo Haweenba” ayuu yiri Taliye Kabtan, wuxuuna sii raaciyay
 
“Shacab iyo dawlad isku duuban cidina kama qarsomi kadho weligaa ka shaqee Jabka Cadawgaaga”
 
Maalmo ka hor ayay ahayd markii laba Qarax oo is xigxiga ay ka dhaceen Afurur oo ay Ciidamada Difaaca Puntland ku leeyihiin saldhig Milatari.
 
Qaraxyadaas ayaa waxaa ku naf waayay 10-qof,sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 40-qof oo iskugu jira Rayid iyo Milatari.