Kooxo Hubeysan oo Hooyo Uur leh iskugu daray Kufsi iyo Dil Magaalada Marka

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalladda Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ku kufsaday Haweenay Uur leh, kaddibna dilay, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
 
Haweeneyda, oo aan wali la helin magaceeda ayaa waxaa da’deeda lagu qiyaasay 25-jir, waxaana kooxdii kufsatay kaddibna dishay ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha magaalladda marka.
 
Magaalladda Marka oo ah meel kala qeybsan, ayaa ay adagtay sida lagu oggaan karo cida falkaasi foosha xun ka dambeysay.
 
Dhanka kale ilaa iyo hadda ma jiraan dhaq-dhaqaaqyo lagu baadigoobayo kooxdii falkaasi ka dambeysay,
 
Waa fal aad u fool xun oo aan la aqbali karin ,balse cid wax ka qaban kartaa ama u diyaarsan in ay waxkaqabato ayaan jirin maanta.
 
Marka waxay waayadan danbe caan ku noqotay dilalka foosha xun ee ka baxsan Bini’aadantinimada,kal hore sidaanoo kale Caruur yar yar ayaa waxaa laayay maleeshiyo beeleed,iyagoo u laayay aano qabiil oo kala dhaxaysay Beesha Caruurtaasi kasoo jeeday..
 
Wax laga argagaxao ayaa ka taagan Gobolka Shabeelada Hoose.