Balcad:-Alshabaab oo weerar gaadmo ah ku dilay Askar ka tirsan Dawlada Fadaraalka

Seddex Askari oo Ciidamada Dowlada ka tirsan ayaa lagu dilay Gobalka Gobalka Shabellada dhexe ka dib markii ay wadada u galeen Malayshiyada Kooxda argagixisada ah ee Alshabab.

Weerarka lagu dilay Askarta dowlada ayaa ka ka dhacay Deegaan dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Balcad

Ciidamada ayaa ku sii jeeday Magaalada Jowhar iyadoo wararka qaar kood ay sheegayaan in dagaal labada dhinac dhexmaray ay Khasaaro dhimasho ka soo gaartay Kooxda Weerarka geysatay ee Alshabaab.

Dhowr jeer ayeey kooxda Alshabaab ku weerartay Ciidamada Dowlada ee ku safra inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar.