Senetarada Aqalka-sare oo dib u dhigay go’aan ka gaarista dhiibista Qalbidhagax

Xildhibaannada Aqalka sare ayaa dib u dhigay dooddii ay maanta ka yeelan lahaayeen go’aankii ay xukuumada ee ka dhanka ahaa kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya.
 
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ku dhawaaqay in Aqalka Sare uu maanta ka doodayo go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax sax iyo qalad.
 
Hase ahaatee Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare oo ay hoggaaminayeen Senatora Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Dhagey ayaa Golaha Aqalka sare horgeeyay mooshin ay ku dalbanayaan in ajandaha laga saaro kiiskan.
 
Buuq iyo jahwareer badan oo hareeyay kulanka Aqalka sare ayaa Guddoonka Aqalka sare waxaa uu go’aamiyay in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo
 
21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo ajandaha, isla markaana laga saaro ajandaha dooda maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.
 
Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay.