Fahad Yaasiin iyo xulafadiisa oo laba garab ukala jabiyay maamulka aan cagaha badan ku taagnayn ee Galmudug

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye kuxigeenka ayaa war wadajir ah oo ay goor dhow ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaasoo lagu taageerayay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee xiriirka u jaray dowladda Qatar.
 
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha maamulkaas ee Xaaf.
 
Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen ayay waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dowladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.
Warkan kasoo horjeeda Madaxweyne Xaaf ee kasoo baxay kux igeenkiisa iyo Gudoonka Baarlamaanka maamulkaas,ayaa ah mid laga soo abaabulay madaxtooyada Xamar ayna ka danbeeyaan Fahad Yaasiin iyo xulufadiisa garbaduubka u haysta Madaxweyne Farmaajo.
 
Waxaa muuqata in Dawlada Fadaraalka Somaliya ay bilawday burburinta maamulada curdinka ah ee dhawaan la yagleelay.
 
Fahad Yaasiin iyo xulufadiisa ayaa horay u abaabulay kacdoonkii lagu riday Madaxweynihii Hir-shabelle mudane Cosoble.kaasoo eersaday taageeridisii xulufada Sacuudiga iyo ka hor imaadkiisii go’aanka dawlada Fadaraalka ay sida dadban ugu garab istaagtay Dawlada Qadar .
 
Lama saadaalin karo khilaafka la dhex dhigay maamulka aan awalba cagaha buuran ku taagnayn ee Cadaado meesha uu ku danbayn doono iyo heerka uu gaari doono.