Dab ay ku Dhinteen 4 Caruur ah oo qabsaday Guri ku yaala Hargaysa

Afar caruur ah ayaa geeriyooday, hooyadoodna waxa soo gaaray dhaawac, ka dib markii gurigii ay degganaayeen oo magaalada Hargeysa ku yaalla uu dab qabsaday. Dhibaatadan ayaa la sheegay inay timi ka dib markii uu gubashada gurigooda sababay shoodh ka dhashay korontada guriga ku jirta.

Masuuliyiinta dawladda ayaa sheegay in baadhis lagu wado sababta dabka keentay, isla markaana aan wali la aasin maydadka caruurta, iyadoo hooyada ubadka dhashayna lagu daweynayo cusbitalka guud ee Hargeysa,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka