Madaxweyne Farmaajo oo laga baafinayo Muqdisho”

Gabay Soomaaliyeed ayaa ahaa Ushii Yaa wax arkay?
Maanta waxay mareysaa Madaxweynihii dalka meel ku sheeg?.
Dalka waxaa ka dhacay dhacdooyin isdaba joog ah oo dhamaantood dalka geliyay khalkhal iyo jahwarer.
kuwaas oo intooda badan aan ilaa hada la xalinin Sida.

A. Geeridi wasiir cabaas oo ila hada aan xal loo helin.
B. Banaanbaxyo joogta ah.
C. Barakicinta danyarta.
D. Isku dhaca ciidamada dhexdooda.
E. Gumaadka shacab aan waxba galabsan( bariire).
F. Dhiibistii Qalbi dhagax.
G. Go,aanki golaha wasirada 6/9/2017.
H. Khilaafka Dowlad goboleedyada iyo federalka.
I. Khilaafka Khaliijka. Iyo kuwa kaloo badan.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa laga sugayay inuu ka qeyb galo.
1 Shirki madaxweynayasha Africa kamana qeyb gelin.
2. Shirki Madaxweynayasha IGAD Head of Stats kamana qeyb gelin.
3. Shirki unitednationka ee newyork kamana qeyb gelin.

Dhamaan dhacdooyinkan iyo kuwo kaloo badan waxay Abuurayaan shaki iyo su,aalaha hoos ku qoran oo shacabka somaliyed is waydiinayo in laga jawaabana ay lagama maarmaan tahay.

1. Madaxweynihi ma dhintay mise wuu nool yahay?
2. Madaxweynihi ma maqan yahay mise wu joogaa?
3. Madaxweynihi ma jiran yahay mise wu fayow yahay?
4. Madaxweynihi meel ku sheega?
5. Mise rag kalaa hogaankii Dalka la wareegay?
Madaxweyne fadlan si degdeg ah ula hadal Qaranka.
(Talk to the Nation.) Kana jawaab dhamaan su,aalaha ku horyaala.

WQ.Hon. Abdirashid Xidig. Mogadishu.