DIGNIIN_DIIIRADDA_SAAREYSA_DOORASHADA_PUTLAND.

Waa su’aal da’weynoo madaxa daalinaysee, Ma dan guud buu Dadweynaha Puntland u wadaa Siciid DENI.? Mise DUMIN?.
 
Puntland oo muddo la daalaa dhacaysay duruufo Dhaqaale,Amni iyo Siyaasadeed, ayna ka muuqato diiftii daneystayaashii Aaran-doofaar ayaa markale waxaa muuqata damiir laawayaal daneynaya dantii eege INA DANI oo ah kii isdaba raacin lahaa oo dumin lahaa dal udug PUNTLAND inay u xayaysiiyaan Shacabka balse War la qabaa xiiso ma leh.
 
#WAA_KUMA_SICIID_DANI?
Siciid Cabdulaahi DANI waa shakhsi ku caan baxay inuu siyaasada ka eegto Ganacsigiisa iyo Dantiisa, waana xubin ka tirsan Kooxdii dhagar-qabayaasha Soomaaliya ee DAMU JADIID ee uu hogaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud, kuwaas oo ka mar qaata Dowlada Itoobiya.
 
Doorashadii ka dhacday Soomaaliya wuxuu ahaa musharaxii kaliya oo garabsiinayay Xasan Shiikh oo ay wadatay Itoobiya, Isagoona codadkii uu helay oo dhaqaale fara-badan uu ku bixiyay Aakhirkii ku taageerey ama ugu shubay saaxiibkiis Xasan Shiikh Maxamuud oo markii danbe xaqqu ka hiiliyay lana doortay Madaxweyne Farmaajo.
 
Wuxuu hadda DANI usoo tafo xaytay PUNTLAND oo noqotay sanadihii dambe meel LACAG laga uruursado, wuxuuna hadda bilaabay hub uruursi iyo inuu shacabka Puntland oo awalba la daalaadhacayay dhibaatooyinka aan kor ku soo sheegnay baro kicin ugu geysto, waxaana durba laga bilaabay inay baraha bulshada uga sacab tumaan Damiir-laawayaal daneeya dantooda gaarka.
 
Haddaba DANi maxay ku doorteen ?. Ma DAACADNIMO,HOGAAN WANAAG Mise DANTOODA oo kaliya???, Anigu ku sheegi maaye balse Maandhoow Adigu ha is sheegin